Giriiga oo duullimaadyada tooska uga yimaada Sweden fasaxay
Laga bilaabo 22 Juulaay, duulimaadyada sida tooska ah uga yimaada Sweden ayaa lagu soo dhaweyn doonaa dalka Giriigga.
Markii Giriiggu dalkiisa u furay dalxiisayaasha 1-dii Juulaay, ayaa laga reebey waddamada Sweden iyo Boqortooyada Ingiriiska.
– Sida qorshuhu ahaa, waxaan qorshaynaynaa duullimaadyo toos ah oo ka yimaada England 15 Juulaay, iyo Iswiidhen 22 Juulay, ayuu yidhi Stelios Petsas.
Markii Giriiggu dalka u furay dalxiisayaasha 1 Juulaay, duullimaadyo toos ah oo ka yimid waddamada ammaanka ah ayaa loo oggolaaday iney ka soo degi karaan Giriigga. Iyadoona laga reebey Sweden iyo Boqortooyada Ingiriiska. Dhowr shirkadood oo duulimaadyo qorsheysan oo markaas safraya ka dib ayaa ku khasbanaaday in ay baajiyaan safarrada. Laakiin hadda Giriigga ayaa u furaya Sweden.
– Sida qorshuhu ahaa, waxaan qorshaynaynaa duullimaadyo toos ah oo ka yimaada England 15 Juulaay, iyo waxaanan u oggolaan doonnaa duullimaadyada ka yimaada Iswiidhen 22 Juulay, ayuu yidhi Stelios Petsas oo shir jaraaid manta qabtay.
Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Mer om hur vi bedriver vårt arbete