Isbedel lagu sameeyey nidaamka qaadashada leysinka
Isbeddelka ugu weyn ee hirgalaya 1-da maarso 2020 ayaa ku saabsan inaan qofka aan ku guuleysan imtixaanka tiyooriga (Qoraalka) aanu geli karin imtixaanka kaxeynta gaariga.
Isbeddelka ayaa khuseeya dhamaan noocyada kala duwan ee leysinka. Waxaa sidoo kale isbeddelaya mudada uu shaqeynayo imtixaanka tiyooriga (qoraalka) kaasoo iminka ah laba bilood balse laga dhigey afar bilood.
Saciid Axmed Siyaad, gudoomiyaha ururka Tayo magaalada Borlänge ayaa laanta af-soomaaliga u sheegay iney bixiyaan taageero la xiriirta qaadashada leysinka iyo iney casharada ku bixiyaan afka soomaaliga iyagoona muddo dheer taa soo waday.
Gudoomiye Saciid Axmed Siyaad oo ka hadlaya sharaciga cusub wuxuu tilmaamey in sharcigu wanaag iyo caqabad hor leh intaba la iman karo.
Gudoomiyaha ururka Tayo ayaa sidoo kale u sheeegay laanta af-soomaaliga in ururku istcimaalo aaladaha kala duwan ee warbaahinta si uu sharciyada cusub u gaarsiiyo xubnaha ururka.
Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Mer om hur vi bedriver vårt arbete