Waa sidee is dhexgalka dadka ee degmada Eskjö?
Dadka ku dhaqan xaafaddaha Mariannelund, Hjältevad, Bruzaholm iyo Ingatorp ee degmadda Eksjö ayaa ka jawaabaya su’aalo la xiriira sida ay u arkaan sida uu u shaqeynayo isdhexgalka halka ay ku nool yihiin.
Degmadda ayaa waxaa sannad guuradii 20 aad buuxiyay mashruuc la yiraahdo Emilkraft kaasi oo ka howsha ugu weyn ee uu qabtay ay la xiriirto dalxiiska iyo adeega bulshada balse sidoo kale qabta mashruuc horumarineed.
Mikael Viktorsson oo ku dhaqan Maiannelund kana mid ah dadka la weydiiyay su’aalaha sida is dhexgalku ugu shaqeeyo degmada ayaa ammaanay dadka soogaalootiga, isaga oo sheegay in wax yaabo badan qabtaan oo ay dhowrista iyo qabashada nadaafaddu ka mid tahay.
Hindisahan su’aalo weydiinta ayaa waxaa ra’yigiisa iska leh ururka Emilkarft oo ah urur bulsho oo xagga dhaqaalaha ah.
Ururka ayaa u arkay in ay jirto baahi ah in la is weydiiyo sida arrinka is dhexgalka uu ugu shaqeynayo degmadda sida uu sheegay Robert Glader oo ah madaxa ururka Emilkraft.
- Xaafadaha Mariannelund iyo Ingatorp ayaa waxaa yimid dad ka soo jeeda wadamo kale oo fara badan, marka waxaan is niri bal ogaada wax yaabo yar yar oo aan wax ka qaban karno iyo sida aan ka yeeli karno, ayuu iyiri Robert Glader.
Glader ayaa intaasi ku daray in ay jiraan dad badan oo wax ka qabta arrinkan balse ururka uu dareemay in aan la heyn muuqaalka ballaaran.
Cilmi baarita ayaa lagu weydiiyay dadka ajaniga ah iyo kuwa Swedishka sida ay u arkaan halka ay ku noolyihiin iyo waxa u baahan in la qabto in meeshu noqoto goob dadka ay ugu noolaadaan si raaxo ah.
’’Luuqada ayaa muhiim u ah dadka da’da yar iyo kuwa waaweyn intaba. Iskuulka isna waa muhiim iyo sidoo kale meelaha lagu kulmo oo in badan ay ka hadlaan. Dadkeena Swedish oo goobahaasi kula kulana dadka ku cusub dalka halkaasi oo isku barano isku fahano, ayuu yiri Robert Glader.
Mashruucan ra’yi weydiinta ayaa waxaa ka wada shaqeynaya Emilkraft iyo maamulka degmada Eksjö oo muddo dheer doonayay in wadahdalo dhow dhex maro dadka ku dhaqan degmada oo bulshada isku mid noqoto, sida ay leedahay Annelie Hägg oo ah madax maamulka degmada.
Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Mer om hur vi bedriver vårt arbete