Guidetti oo lagu bilaabayo ciyaarta maanta Sweden iyo Italia
Sida uu xog ku helay Fotbollskanalen.se Erik Hamrén tabobaraha Sweden ayaa doortay in uu ciyaarta maanta dhexmari Sweden iyo Italia ku bilaabo ciyaaryahanka John Guidetti oo ka barbar ciyaari doona Zlatan Ibrahimovic
Sida la xigtay Fotbollskanalen John Guidetti ayaa bilowga ka qayb-galay ciyaar tabobar ah oo ciyaaryowga qaranka loo qabtay khamiistii.
John Guideti ayaa gadaal laga soo geliyey ciyaartii isniintii dhexmartay Sweden iyo Irland, isagoo weliba ciyaartowga qaranka Sweden ku kordhiyey energi cusub.
Haddii Guidetti lagu bilaabo ciyaarta maanta oo jimco ah dhexmareysa Sweden iyo Italia taas waxa ka micno tahay in Marcus Berg la fariisin doono kursiga. Fotbollskanalen waxay sidoo kale warisey in xataa Albin Ekdal ciyaartaan lagu bilaabi doono oo lagu badeli doono Oscar Lewickis oo dhexda ka ciyaara.
Ciyaartan maanta waxay bilaaban doontaa saacadda markey ku beegan tahay 15:00 waxayna ka dhaci doonta Stadium de Toulouse. Radiosporten toos ayuu uga tabinayaan laamaha P4, webbka iy weliba radio-appka Sveriges Radio Play.
Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Mer om hur vi bedriver vårt arbete