Fridolin oo lagu dhaleeceeyey siyaasad aargudasho
Carqaladdii ka dhex-aloosnayd xisbiga xisbiga Doogga (MP) ayaaweli halkeedii ka socota.
Iyadoona iminka ey xil-dhibaanno xisbiga MP u metela baarlamanka ey ku dhaleeceeyeen mid ka mid ah labada hoggaan ee xisbiga MP, Gustav Fridolin inuu ka dambeeyo tallaabada is-aamusinta iyo kala dameeynta khasab ah ee xisbiga dhexdiisa ka aloosan. Xaaladda dabeecadda shaqo ee xil-dhibaannada ayaa ah mid aad u liita, sida uu sheegay Jabar Amin, kana mid ah xil-dhibaannada MP u metela baarlamanka.
– Hadday ahaan lahayd goob shaqo ee caadi ah goor hore ayaa albaabka loo laabi lahaa, iyada oo lagu macneeynayo xaaladda dabeecadda ee goobta shaqo.
Sababtuna maxay tahay?
– Xaaladda cimilo howsha ayaa ah mid aad u liidata, middaasina oo ay ka dambeeysi siyaasadda aargudashada ku dheehan tahay ee hoggaanka xisbiga.
Ma jiraan falal kale oo aad tilmaami karto oo aan ka aheyn dhacdooyinkii shalay?
– Haa, waxaa la isku dayey in culays la i saaro, waxaan kaloo ogsoonahay in la isku dayey culeeys in la saaro xil-dhibaanno kale.
Fiid-nimadii xalay ayay caddaatay in laba ka mid ah siyaasiyiinta sare ee xisbiga MP- af-hayeenka guddi-hoosaadka EU Carl Schlyter iyo af-hayeenka siyaasadda arrimmaha dibadda Valter Mutt laga xayuubiyey masuuliyaddii. Iyadoona ey labada xil-dhibaanba si cad u dhaleeceeyeen siyaasadda dawladda ee heshiiska ay la gashay ururka gaashaan-buurta Naato.
Halka dhanka kale ee laba xil-dhibaan oo kalena isaga degeen kuraastii af-hayeen-nimo oo ey xisbiga u hayeen. Kuwaasina oo kala ah - Jabar Amin iyo Annika Lillemets.
Hase yeeshee ey dhammaantood ku sii nagaan doonaan kuraastooda.
Isha/ Ekot
kenadid.mohamed@sr.se
Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Mer om hur vi bedriver vårt arbete