Mussie Ephrem oo ka howl-gala ururka Forum Syd. Foto: Sawirle: Kenadid Mohamed/SR

Tirabadnida ururrada soomaalida ma dan baa ku jirta mise khasaaro

Publicerad 30 maj 2016 · kl 14:30 · 3:42 min

Ururka madaxa bannaan ee lagu magacaabo Forum Syd eyna xubno ka yihiin 160 urur ayaa la aasaasay sannadkii 1995, waana ururka ugu dhumucda wayn ee bulshada rayidka ah ee Sweden.

Urur-dalladeedka Forum Syd oo xaruntiisu tahay magaalada Stockholm ayaa sidoo kale xarummo ku leh shan waddan, halkaasina oo laga maamulo dhaqaalaha taageerada ee ururku ugu deeqo 70 waddan ee caalamka ka mid ah waddammada caalamka.

Muddo labaatan sannadood gaarsii-san ayuu ururka Forum Syd u fidinayay taageero dhaqaale gobollada kala duwan ee Soomaaliya. Waana urur ey ka diiwaan-gashan yihiin qiyaastii 175 urur oo soomaali ka dambeeyso ee ka dhisan dalkan Sweden, mucaawinana ka hela urur-dalladeedka Forum Syd.

Ma dan baa haddaba ku jirta tirada ururrada sidaa u faraha badan, mise khasaaro?.

Mussie Ephrem, wuxuu shantii sannadood ee ugu dambeeysay ka howl-galayay urur-dalladeedka Forum Syd, halkaasina oo howshiisu ahayd gacan-yare u qaabil-san Soomaaliya iyo waddammada dhaca geeska Afrika, iyo sidii ururrada waddammadaa ka soo jeeda ee dalkan ku dhaqan looga gacan siin lahaa sidii ey gacan uga geey-san lahaayeen dib u dhiska waddammadooda, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Waa mid caadi ah kolka la eego sawirka Soomaaliya maanta ka jira. Waa mid jirta in ururka daladda Forum Syd uu wada-shaqqeyn la lahaa ururrada soomaalida ee dalkan ka jira laga soo bilaabo, bilowgii sannadihii sagaashameeyadii. Iyadoona dalkaa laga hir-geliyay qorshooyin lagu guuleeystay, hadday noqon lahayd magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Muqdisho ama Hargeeysa.

 - Wa mid caadi ah, haddii laga eego ururrada soomaalida ee dalkan ka dhisan oo tiradoodu kor u dhaafeeyso siddeeda boqol ee ku diiwaan-gashan magaca soomaalida, Puntland ama Somaliland. Hase yeshee inta urur ee taageero ka soo dalbatay ama taageero dhaqaale ururka Forum Syd ka heshay ayaa gaarsii-san 175 urur.

- Dhanka kale kolka laga eego maahan wax caadi ah, haddii loo barbar-dhigo ururrada qowmiyadaha ka soo jeeda Eriteriya, Gaambiya ee dalkan ku dhaqan. Waxaa dhici karta in bulshada Eriteriya ay ku mideey-san yihiin labaatan urur oo wada-shaqeeyni ey ka dhaxeeyso, sida uu sheegay Mussie Ephrem, kana mid ah saraakiisha ka howl-gasha urur-dalladeedka Forum Syd.

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Radio Sweden Somali - Raadiyaha IswiidhenAnsvarig utgivare: Klas Wolf-Watz

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.

Mer om hur vi bedriver vårt arbete

Senaste sändningen

Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen