Alicia Vikander oo gacanta ku haysa billadii oskar-ka Foto: Chris Pizzello

Biladda Oskar-ka oo xalay la bixiyey

Publicerad 29 feb 2016 · kl 10:51 · 1:59 min

Jilaayadda iswiidhishka ee lagu magacaabo Alicia Vikander oo ku guuleysatay biladda abaal-marinta Oskar-ka.


Vikander ayaa biladda Oskar-ka ku muteeysatay kaalintii ay ka geeysatay filim ay ka ahayd jilaayadda labaad ee lagu magacaabo "The Danish girl – gabadhii Daanishka ahayd", iyadoona loo aqoonsaday jilaayaddii labaad ee ugu wanaagsanayd sannadka.  Aad iyo aad ayaad ugu mahad-san tihiin biladdan aqoonsiga ee aad i siiseen, sida ay sheegtay Alicia Vikander oo ka hadleeysay xafladdii biladda Oskar-ka lagu guddoonsiiyey.

Jilaayadda iswiidhishka Alicia Vikander ayaa aad u qiireesnayd kolkii lagu dhawaaqay iney biladda ku guuleeysatay oo dabadeed ay ka hadleeysay goobtii biladda lagu guddoonsiiyay. Iyadoona ereyadeedii ku sheegtay badankood luuqadda ingiriiska, hase yeeshee ku dhex dartay luuqadda iswiidhishka, midkaasina oo ugu mahad-celisay dhammaan bulshada iswiidhishka taageerada ballaaran oo ey u fidiyeen.

– Wow, Waxaan uga mahad-celinayaa akadeemiyada Oskar-ka iyo aqoonsiga ballaaran oo ay i siiyeen. Waxaan idiinka mahad celinayaa taageerada aad ii fidiseen iyo aaminaadda aad i aaminteen, sida ay sheegtay Alicia Vikander.

Weliba iyada oo intaa raacisay inay u mahad-celiso jilaayadii filinka la jilayey gaar ahaan atoorihii la jilayay Eddie Redmayne. 

Vikander ayaa sidoo kale mahad-celin ballaaran u jeedisay reerkeeda iyo qaraabadeed.
– Waxaan doonayaa inaan u mahad-celiyo saaxiibaday, dhammaan bulshada Sweden, hooyo iyo aabbe. Waxaan idiinka mahad-celin inaad i geliseen rajada ah in wax walbaa ay suurtagal tahay.

Isha/ TT, Aftonbladet

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

                                                          

Radio Sweden Somali - Raadiyaha IswiidhenAnsvarig utgivare: Klas Wolf-Watz

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.

Mer om hur vi bedriver vårt arbete

Senaste sändningen

Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen