Abaalmarinta Polar oo ay ku guuleysteen Max Martin iyo Cecilia Bartoli
Abaalmarinta Polar ee sanadkaan ayaa waxaa ku guuleystey heesaa talyaani ah oo lagu magacaabo Cecilia Bartoli iyo Max Martin oo ah soo saare Iswiidhish ah isla markaasna heesaha alifa.
Max Martin oo magaciisa dhabta ahi yahay Martin Sanberg ayaa ah nin heesaha alifa isla markaasna ah filim soo saare.Ninkaan ayaa heeso badan oo uu alifey labaatankii sanee la soo dhaafey waxaa qaada fanaaniin dunida oo dhan aad iyo aad caan uga ah sida Robyn, Backstreet boys, Westlife, Celine Dion, Katy Perry, Christina Aguilera iyo Taylor Swift.
Cecilia Bartoli oo iyadu qaada heesha Oper-ada laga qaado ayey guddigii abaalmarintaan bixiyey waxay ku tilmaameen in faanadaasi heeseheeda u soo gudbiso sidii iyaga oo farshaxan oo kale ah.
Labadaas qof oo abaalmarintaan ku guuleystey ayaa midkiiba waxaa gacanta loo galinayaa lacag dhan ilaa iyo hal malyan oo karoon.
Abaalmarintaan ayaa waxaa labadaan qof oo ku guuleysatey la gudoonsiin doonaa 16-ka bisha juun taas oo xafladdaasi ka dhici doonto golaha murtida iyo madadaalada ee magaalada Stockholm.
Xoogta: Kulturnytt
Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Mer om hur vi bedriver vårt arbete