Borg: oo ku hanjabay inuu xeereyn doono ka qeybgelinta haweenka maamullada
Wasiirka dhaqaalaha ee dalkan Iswiidhen Anders Borg ayaa ku hanjabay inuu dalka ku soo food-leeyahay xeer khasbaya in haweenka laga qeyb geliyo hoggaanka sare ee shirkadaha, maadaama uu wasiirku aamin-san yahay in howshaasi aanay ku socon xowligii looga baahnaa, sida uu qoray war-geeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter DN.
Illaa iminka ayey si aad ah uga soo hor-jeedeen hogaamiyeyaasha shirkadaha dalku, inkastuu wasiirku fikirrada diidmada ee maamullada shirkadaha aanu u arag wax la aqbali karo:
- Waa mid muuqata in howshani ku socoto xoowli aad u gaabiya. Halka dhanka kale ay xoogeeysatay dooddii oranaysay in xeer middaa laga soo saaro, sida uu war-geeyska DN u sheegay Anders Borg.
Dawladda ayaan illaa hadda ka diyaarin wax xeer ah hase-yeeshee la sheegeyaa inay hoos u dhacday gaartayna kaalintii ey ku sugneeyd sannadkii 2010 tirada haweenka ee xubnaha ka ah hoggaannada sare ee shirkadaha, sida ay sheegtay shirkadda labaad ee AP-fonden.
Isha/ DN
Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Mer om hur vi bedriver vårt arbete