Kalkaaliyaasha caafimaadka oo dalabkooda mushaar kordhiyey
Kalkaaliyaasha caafimaadka ayaa labo laabey halgenkooda ay ku dalbanayeen in mushaarkooda kor loo qaado. Ayderda barata kalkaalinimada caafimaadka ayaa horey u dalbadey mushaar dhan 24 000 oo karoon bishii, laakiinse dalabkooda cusub ayaa hada ah 25 000 oo karoon.
- 24 000 ma ahan hada 24 000. Sannadba sannadka ka debeeya lacagto wey sii qiimo dhaceysaa. Saas darteed waxaa dooneynaa 25 000, ayey tiri Martina Stenbom oo kamdi ah kalkaaliyaasha mushaar dheerad ah dalbanaya.
Dalabkii hore ee ardeyda dhigata kalkaalinimda kaas oo ahaa 24 000 oo karoon bishii ayaa natiijo dhaliyey. Qaar badan oo kamid ah kalkaaliyaasha ayaa helay 24 000 bishii amaba ka badan markii la shaqaaleysiiyey.
Hadana ardeyda ayaa kordhisay dalabkooda kana dhigay 25 000 oo karoon bishii.
Martina Stenbom oo hada jikada taagan oo diyaarineysa xaflada qalin jabiinteeda ayaan aaminseneyn in dalabka ardeyda aysan ka xunmeen kalkaaliyaasha xarumaha caafimaad hada ka ah shaqaale, kuwaas oo hada heysta mushaar ka yar kan ay dalbanayaan ardeydu.
- Waa fursad u wanaagsan wado-xaajoodkooda mushaar. Waxaa dalabkayaga loo arkaa olale mushtakhbal oo hadhow kordhin kara mushaarka iyo meeqaamka xirfada., ayey tiri Martina Stenbom.
Sababta ay hada kor ugu qaadeen dalabkoddaoo ahaa 24 000 kagana dhigen 25 000 ayaa ah marka hore sicir bararka balse sidoo kale ayaa looga gol leeyahay soo jiideshada ardey badan oo ayana barta xirfada kalkaalanimada, iyo in kalkaaliyaasha aysan iskaga cararin dalka marka qalan jabiyaan oo aysan aadin dalal kale oo ka mushaar wanaagsan Iswedhen.
Ururka degmooyinka iyo gobalada Iswedhen ayaa wax jawaab ah ka bixin dalalbkan ardeyda ee ah 25 000 oo karoon balse ururka ayaa tilmaamey in uu jiro heshiis mushaaro oo u dhaxeeya ururka shaqaalah ee Vårdförbundet iyo shaqo-bixiyaasha.
Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Mer om hur vi bedriver vårt arbete