Saboolnimada caruurta
Waqtiyadaan danbe waxaa jiray dood ku sabsaneyd in ay Iswedhen ku soo badatey caruurta saboolnimada ku nool. Barnaamijka ka baxa SVT ee uppdrag Granskninga oo baaritaan ku sameeyey arintaan ayaa lagu sheegay in arintan ku sabsan saboolnimada caruurta ay tahay mid laga badbadiyey.
Ururada u dooda xaquuqda caruurta sida Bris, Majblomman iyo ururka bad baadada caruurta "Rädda barnen" ayaa arintaan ka dhiibay tirokob dhan u janjeera ayaa lagu sheegay barnaamijka. Olale uu ururka bad baadada caruurta sameeyey 2011 ayaa lagu sheegay in Iswedhen ay ku nooshahay 220 000 oo ah caruur sabool ah oo aan cunto ay ka dhargaan helin, arintaas oo hada lagu sheegay barnaamijka in ay tahay sawir qaldan oo ururka ka dhiibey inta caruur oo saboolnimada ku nool dalkaan Iswedhen.
Barnaamijkan Uppdrag granskninga ayaa caawey oo ah arbaco ka bixidoona telefishinka SVT1 saacado markey tahay 20.00.
isha. SVT
Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Mer om hur vi bedriver vårt arbete