Dambiyada

Warbixin laga soo saaray fal dambiyeedyada ka dhaca dalka.

Publicerad 9 nov 2011 · kl 11:41

Waxaa hoos u dhacay tirada dadka soo sheega in la dhacay ama dhac loo geystay marka loo fiiryo sida ay aheyd shan sano  ka hor, sida lagu ogaaday daraasad uu sammeeyay guddi tallooyin ka bixiya fal dambiyeedka lana yiraahdo (Brå).

Sanadkii 2005-ta dadka loo geystay dhaca una soo sheegay booliska in la dhacay ayaa waxay aheyd 26 boqolkiiba halka sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2010-ka tirada ay aheyd 23 boqolkiiba.

Waxa ugu badan ee hadda ay ku soo waramaan dadka la dhaca ayaa dambiyada sida baaskiil la xaday iyo hanjabaad loo geystay qof halka dambiyada halista ah sida tacadiga iyo dambiyada la xiriira galmada ama jinsiga ay yaryihiin.

Dambiyada sida dhaca iyo tacdiga oo ah qof la jir dilo ayaa waxaa inta badan loo geystaa ama ay ku dhacaan ragga dhaliyarada ah iyada oo dhallinyarada ragga ah ee la dhaco ama lagu tacdiyo ay tira ahaan gaarsisan yihiin 22 boqolkiiba halka gabdhaha dhallinyarada ahna ay tahay 11 boqolkiiba.

Ninka dhallinyarada ah ayaa waxaa inta badan loo geystaa tacadi lagu dhibaateeyo jirkiisa sida dagaal iyo garaacid halka dumarka da’da yarna inta badan loo geysto hanjabaad.

In ka badan kala bar dadka loo geystay dhaca ama hantidooda la xaday ayaan ku war gelinin booliska iyada oo fal dambiyeedka inta badan lagu war geliyo bileyska ay tahay dambiyada la xiriira galmada ama jinsiga iyo dhabaatooyinka ka dhasha xiriirka raga iyo dumarka iyada oo marka lala bardhigo kuwaa hore ay yiryihiin warbixinada booliska loo gudbiyo ee dambiyada xatooyada iyo dhaca.

Cilmi baaristan ayaa waxaa su’aalo lagu weydiiyay in ka badan 14 000 oo ruux.

Radio Sweden Somali - Raadiyaha IswiidhenAnsvarig utgivare: Klas Wolf-Watz

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.

Mer om hur vi bedriver vårt arbete

Senaste sändningen

Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen