Nin loo qabtay weeraraddii Norway
Anders Behring Breivik, oo ah 32 jir ayaa loo qabtay weeraraddii foosha xumaa ee ay ku dhinteen 84 oo dhalinyarro ah, kana tirsanaa xisbiga shaqaalaha iyo weerarkii banbaano ee ku dhinteen toddobo ruux magaalada Oslo. Ninkan ayaa qoraalo uu ku daabacay boggiisa ijtimaaciga ah ee Facebook-ga, ku sheegay inuu taageersan yahay afkaarta kooxaha xagjirka ah. Booliskana waxaa ay sheegeen in fikradahiisa yihiin kuwo ku janjeera " Kooxaha mayalka adag ee masiixiyiinta ah"
Ra'iisal wasaaraha Norway waxa uu sheegay iney tahay "murugo Qaran" dhacdooyinkii Norway gil gilay.Ninkan weeeraradaasi geystay ayaa lugu magacaaba Behring Breivik, waxaa lugu qabtay jasiirada Utöya isagoo ku labisan dharka booliska, waxaana markaasi u kadib u dhacay xerraddii ay ku urruursanaayeen dhalinyaraddii ka tirsaneyd xisbiga shaqaalaha dalkaasi ee la yiraahdo Arbeidernes Ungdomsfylking (AUF), kuwaasoo u joogay fasaxa xagaaga kuleylaha oo halkaasi ku dalxiisayeen.
Booliskuna waxey shaki weyn ka qabaan in ku lug leeyahay weeraraddii bambaano ee lugu qarxiyey bartamaha magaalada Oslo ee caasimadda dalkaasi isla shalay gelinkii dambe. Ninkan ayaa wararku sheegayaan inuu heystay qoryo iyo xabado u diiwaan gashanaa oo magaciisa ku qornaayeen. Ninkan waxaa kale oo siddoo kale iskiis isku muujiyey nin ka qeyb qaato doodaha xagjirnimada leh ee lugu cambaareeyo islaamka.
Wuxuu sidoo kale isu muujiyaaa inuu yahay yahay nin ka soo horjeeda is dhexgalka aaminsana fikirka kooxaha faquuqa qaba, sidda ay arrintan ku qortay boggeeda internet-ka jariidada VG. Lix cisho ka hor ayaa ninkan waxaa uu iska qoray bogga Twitter halkaasoo uu ku qoray ereyo uu ka soo min guuriyey nin feeylasoofi ingiriis ah "One person with a belief is eqal to the force of 100 000 who have only interests. (Qof wax aaminsan, waxey la si adag ula mid tahay 100.000 qof waxa ay danahoodu tahay" Raad raac badan oo quseeya ninkan ayaa muujineya sida uu xag jir ku fogaaday afkaarka kooxaha mayalka adag.
Ikram Hasasn
ikram.hassan@sr.se
Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Mer om hur vi bedriver vårt arbete